Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro: Maroodi 25 sano ka hor ka qaxay Somalia oo dib u soo laabtay

Muddo 25 sano ka dib waxaa dalka Somaliya dib ugu soo laabtay Maroodigii ugu horeeyay, ee ku qaxay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka qarxay, horaantii sanadkii 1991-kii.

Maroodigan oo magaciisa lagu sheegay Morgan ahna lab, ayaa ka soo tallaabay xuduuda Somaliya iyo Kenya, ka dib markii uu soo jeexay masaafo dhan 100km.

Tani waxay ka dambeysay markii Ciidanka Militariga Kenya ay bilaabeen hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, oo ay ka wadaan dhulka keymaha Kenya ee loo yaqaano (Boni).

Maroodiga ku soo guryo noqday Gobolka Jubbada Hoose, ayaa ka mid ahaa duurjoogtii Somaliya, ee u carartay dhinca dalkaasi Kenya.

Maroodiga Morgan oo 30 sano jirsaday, ayaa waxaa dib u soo laabashadiisa Somaliya lagu macneeyay, in Somaliya ay ka gudubtay xilligii adkaa ee ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dalka halakeeyay.

Korneyl aybe Axmed C/laahi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in duurjoogtii Somaliya ee ka carartay hubkii dagaalka leesku adeegsanaayay, ay billaabeen inay soo guryo noqdaan.

Sarkaalkan, ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan gaar ah oo la socda xaaladda duurjoogta soo laabanaysa, wuxuuna meesha ka saaray in Gobolada Jubbooyinka lagu ugaarsado duurjoogta.

Maroodi fadhiya

Maroodi1

Maroodi2

Maroodi3

buy Brand Cialis, cheap lioresal. Maroodi4

Maroodi5

You must be logged in to post a comment Login