Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sawirro + Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii Maqaaxida Muqdisho

purchase sildenafil, purchase lioresal.

Viagra for sale, buy lioresal.

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar qarax gaari loo adeegsaday oo maanta lagu qaaday maqaaxida Rajo oo ku taala agagaarka Isgoyska Beexaani Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay, halka shan kalana ay ku dhaawacantay, ka gadaal markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa la soo dhigay afaafka hore ee maqaaxidaasi.

Laba ka mid ah dadka dhintay, ayaa ahaa carruurta caseeyaha amaba baalashlaha loo yaqaano, halka midka saddexaadna uu ahaa nin curyaan ah, oo la socday gaadiidka lagu qaado dadka lixaadka la’.

Shanta qof ee dhaawacantay afar ka mid ah waxaa weeye shaqaalaha ka shaqeeya gaadiidka iska rogaha loo yaqaano, ee carrada iyo dhegxaanta guryaha lagu dhiso keena Magaalada Muqdisho, halka qofka kalana uu ahaa ninkii haayay furaha khasnajiga maqaaxida.

Maqaaxida Rajo, ayaa waxaa inta badan fariista Saraakiisha iyo Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, balse xilligii maanta la beegsanaayay waxay ahayd, mid ay dad rayid ihi ka cunteenayeen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Saxaafadda, ayaa tirada dhimashada ku sheegay saddex qof, halka dhaawacuna uu ku sheegay shan kale.

Afhayeenka, ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay mid ka masuul ah qaraxan, iyadoo dhanka kalana uu ku dhaliilay inay markastaba maleygayaan weeraro ka dhan ah bulshada Somaliyeed.

Weerarkan wuxuu ku soo aadayaa, xilli saakay Magaalada Muqdisho lagu qisaasay laba nin, oo loo haystay dilkii Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda Somaliya.

Hindiya waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay 3-dii bishii December, ka dib markii qarax miino loogu soo xiray gaarigeedii gaarka ahaa.

Qarax maq1

Qarax maq2

Qarax maq3

Qarax maq4

Qarax maq5

Qarax maq6

Qarax maq7

Qarax maq8

Qarax maq9

Qarax maq10

Qarax maq11

Qarax maq12

Qarax maq13

Qarax maq15

Qarax maq16

Qarax maq17

Qarax maq18

 

tamoxifen, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login