Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sh.Abu Muscab “ Itoobiya Way Ku Jabtay Xudur, Dagaalkana Waan Wadaynaa inta Cadawga ugu dambeeya Uu dalka ka baxayo”

Afhayeenka dhinaca Howlgalada ee kooxda Al-shabaab Shekh Cabdi Casiis Abu Muscab oo Shir Jaraa’id ku qabtay meel aan Magaceeda la shaacin ayaa ka hadlay  markii ugu horeysay ka hadlay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Xudur iyo  dagaalo Culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Afhayeenka ayaa sheegey in aysan jirin wax cudur-daar ah oo ay Ciidamadaasi haystaan oo aan ka ahayn in ay u adkaysan waayeen dagaalka adag ee ku haayeen 24 saacba.

“ Xabashida Itoobiya waxay horey ugu Jabeen Degmooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Maxaas, sida aad hadda maqlaysaana waxay ka carareen Degmada Xudur iyagoo dullaysan, Xaqiiqada Xudur ka saartayna waa xaqiiqadii Ceelbuur ka saartay oo ahayd in ay dagaal joogta ah Mujaahidiinta kala kulmeen, Wadooyinka inay isku socon waayeen, mar walba ay Mujaahidiintu xabad la dul taagnaayeen,  Gaajo inay u dhintaan ayay qarka u fuuleen markii saadkoodii/Sahaydoodii isku socon waysay, Niyad jabka ku yimid daraadeed ayay Xudur uga carareen” ayuu yiri Sh.Abu Muscab.

 

Abuu Muscab ayaa sheegay in laba sahan oo ka kala tirsanaa Huwaanta  iyo ciidamada shabaab  ay isku fara saareen meel 3KM- u jirta Magaalada Garbahaareey, kadibna ay labada dhinac kala heleen laba gurmad, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada shabaab ay jabiyeen wax uu ugu yeeray cadow  ayna iyagu goobta ku hareen halka kuwii kalena ay dib ugu laabteen gudaha Garbahaareey.

You must be logged in to post a comment Login