Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sh.Abu Muscab oo sheegey in tobankii malmool ee la soo dhafay ay qasaaro lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada Amison & kuwada DF ee Soomaaliya

Afhayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sh.C/Caziiz Abu Muscab oo shaleey galabta Shir Jaraa’id ku qabtay meel aan la shacinin ayaa sheegay in tobankii maalmood ee lasoo dhaafay oo ay ciidamada alshabaab weeraro xiriir ah la beegsanayeen xarumaha Ciidamada Afrikaanta ah ay kaga suganyihiin Shabeellad Hoose ay ku dileen in ka badan 20 askari oo afrikaan ah halka ay ku dhaawaceen tiro intaas ka badan.

Sh.Abu Muscab ayaa sheeay Ciidamada Afrikaanta ah iyo Maleeshiyada Soomaalida ah ee la shaqaysa ku qaadeen tobadkaas ay gaarayan ilaa sideed weerar kuwaas oo ka kala dhacay Degmada Jannaale, deegaanada Shalaambood, Lambar lixdan iyo Carbiska, wuxuuna intaasi ku daray in inta ay xaqiijiyeen ay labo gaadiid gaashaaman oo nooca Tawga loo yaqaano ah ay ku gubeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in tan iyo markii ay Afrikaanta wadanka kusoo duushay ay bilaabeen in ay isballaariyaan ay ciidamada alshabab weeraro lixaad leh la beegsanayeen taas oo keentay in tiro aad u fara badan oo ciidamadaas ka mid ah lagu laayay Dagaallada, isagoo Ciidanka Afrikaanta ah ku tilmaamay in ay yihiin Calooshood u shaqaystayaal reer galbeedka lacago uga qaata duullaanka ay Muslimiinta Soomaaliyeed kusoo qaadeen.

Dhanka kale Sh.Abu Muscab ayaa ka waramay 3 weerar uu sheegay iney shaleey ka kala dhaceen Sh.Hoose iyo Banaadie lala beegsaday Ciidamada Afrikaanta ah iyo ciidamada DF ee Soomaaliya halkaas oo uu khasaare naf iyo maalba leh uu kasoo gaaray.

You must be logged in to post a comment Login