Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sh.Cali Dhere “ Xasuuqii Ka Dhacay Boosaaso Wuxuu ahaa Fal aad u foolxun, Waana in loo aargudaa Muslimiinta la Xasuuqay”

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage oo shir Jaraa’id u qabtay Saxaafada ayaa ka hadlay dhacdadii ay ciidamada Puntland ay ku xasuuqeen dad toban ka badan oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanyihiin Mujaahidiinta Soomaaliya.

Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in dhacdada ay ku keceen ciidmada maamulka Puntland ay tahay arin foolxun oo lagula kacay dad Muslimiin ah oo lagu eedeeyay wax aysan shaqo ku lahayn, isla markaana waxa kaliya ee lagu haystay ay ahayd in ay ahaayeen dad Muslimiin ah, wuxuuna tacsi u diray dadkii iyo eheladii ay dadkaas ka geeriyoodeen iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Sh.Cali Dheere ayaa sheegay in dhacdooyinka lagu xasuuqayo dadka Muslimiinta ah ay maalmihii lasoo dhaafay kusoo laalaabanaysay dalka Soomaaliya iyadoo maalmo kahor ay ahayd markii qaab sidaan aanan wax badan ka gadisnayn dad Muslimiin ah oo ku jiray xabsiyada Muqdisho si bareer ah loo laayay kadibna maydadkooda wadooyinka lagu soo tuuray, arimhaas oo dhana ay yihiin wax isku xiran oo aanay wax farqi ah u dhaxaynin.

“Waxa ka dhacay Boosaaso waa dhacdo aanan ka dhicin wadamada Muslimiinta ee xorta ah balse waa dhacdo inta badan ka dhacda dalalka Muslimiinta ah ee ay gaalada iyo gaalaraacyadu xooga ku haystaan” ayuu yiri Sheekh Cali Dhere.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Mujaahidiintu marar badan hore uga digeen dadka Muslimiinta ah in wax uu ugu yeelay cadawoga ay dhacdooyin noocaan oo kale ah kula kici doonaan, gaar ahaan markii ay Muqdisho dadka ku xasuuqeeyn, hadii maalinkaas dadka Soomaaliyeed ay ka kici lahaayeena aysan maanta Ashahaado la dirirku sidaan dadka Boosaaso ugu xasuuqi lahayn, Hadii aanan hada midaan laga kicina ay berri Garoowe xasuuq cadawgu ka geysanayaan, Sidoo kale Kismaayo, Baydhabo iyo meel walba oo ay joogaana ay sidaas dadka u gumaadi doonaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Mujaahidiinta ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii looga aarsan lahaa Maamulka Puntland ee Muslimiinta xasuuqay, qof walba oo kaalin ka gaystay dhibaatadaasna hadii ay ahaan lahaayeen kuwii dilka fuliyay, kuwii xukunka riday, kuwii jaasuusay, kuwii marqaati-beenaadka ku furay ay dhamaantood ciqaab adag la kulmi doonaan.

Sheekh Cali Dhere ayaa u sheegay dadka reer Puntland in dhulkooda ay Gaalada iyo dabadhilifyadoodu ay Xabsiyo horleh kasii dhisanayaan, Gaadiidkii lagu soo qabqaban lahaana loo keensaday arrimahaasi oo loogu tilmaamay in horumar yihiin, taas badalkeedana khayraadkii dhulkooda ay gaaladu boobayso iyo shidaal iyo macaadinba laga daldalanayo, wuxuuna ugu baaqay in ay hurdada ka kacaan oo ay u istaagaan sidii dhibaatadaas ay iskaga dulqaadi lahaayeen.

You must be logged in to post a comment Login