Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabaab oo calaacal ka bixi La

Madaxa Dacwada ee Ururka Al Shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole), ayaa qirtay jab, waxuuna daboolka ka qaaday in xilligaan uu culeys ka soo fuulay hawlgalada, ay Ciidamada Dowladda iyo Amisom ka wadaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf, ayaa wadamada Reer Galbeedka ku eedeeyay inay dhabarka ka riixayaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom, iyagoo markaasi dano gaar ah ka leh sida uu sheegay kheyraadka dalka Somaliya.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Andulus ee afka Shabaabka ku hadasha, ayaa waxa uu si adag u sheegay in waxa uu ugu yeeray cadowga uu duulaan qaawan ku soo qaaday dalka Somaliya, taasina ay muujineyso hawlgalada dardarta leh ee dalka ka soconaayo, sida uu yiri.

Sheekh Fu’aad Shongole waxa uu ku goodiyay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan dhinacyada ka soo horjeedo, ilaama ay ka xaqiijinayaan shahaadadooda sida uu yiri, isla-markaana wuxuu meesha ka saaray inay dagaalada joojinayaan.

Shongole, ayaa qaba in jabka iyo dulinimadaba ay u dambeen doonto waxa uu ugu yeeray cadowga, ka dib markii uu sheegay in ay iyagu jooggaan dalkooda, ayna ka difaacayaan shisheeyaha ku soo duulay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka ka soo yeeray Ina Shongole, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Hawlgalka Badweynta Hindiya (Indian Ocean) uu si xoogan kaga soconaayo dalka, iyadoona dhul ballaaran looga qabsaday mintidiinta Shabaab.

Sabtidii, ayay ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Al Shabaab ugu magacaaban Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, uu ka dhawaajiyay in weerar cir, dhul iyo badba leh lagu soo qaaday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. order Kamagra Chewable online cheap, zithromax reviews. qiiq

You must be logged in to post a comment Login