Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabaab oo dab qabadsiiyay laba gaari oo xamuul ah, xilli mid ka mid ah uu ka yimid Degmada Buulo Burde

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay siyaabooyin kala duwan, ay dab u qabadsiiyeen laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah.

Gawaarida mid ka mid waxa uu ka yimid Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo midka kalaa uu ka yimid Magaalada Muqdisho, waxayna siyaabooyin kala duwan ugu lala qabteen duleedyada Degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi.

Labada gaari, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay Shabaabku ku gubeen meel ku dhow deegaanka Buurweyn, oo dhaca duleedka Degmada Buulo Burde.

celebrex buy online, Zoloft reviews. Labada gaari ee la gubay, ayaa waxaa iska leh laba nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Muuse iyo C/casiis Dameeri.

Ujeedada ay Shabaabku gubeen gawaaridaasi, ayaa waxaa lagu macneeyay si ay ugu giijiyaan xaalada go’doominta ah, ee ay ku hayaan dhulka ay gacanta ku heyso Dowladda Somaliya.

Al Shabaab waxay horey milkiile-yaasha gawaarida ay kaga digtay inay gaadiidkoodu u diraan dhulkii laga saaray sanadkii tagey, isla-markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Amisom.

Waa markii ugu horeysay oo ay Shabaabku dab qabadsiiyaan gawaarida xamuulka, waxayse horey u gubeen gaadiidka yar yar, oo qaadka lagu geeyo dhulka ay go’doomiyeen Shabaabku.

You must be logged in to post a comment Login