Shabaab oo war ka soo saartay Is-dhiibida Mukhtaar Roobow

Filed under: Wararka |

Warbaahinta Al-shaabaab ayaa lagu qoray warbixin looga ka hadlay wararka saakay soo baxay ee sheegaya in Sheikh Mukhtaar Roobow uu si rasmi ah isugu dhiibay maamulka Koonfur galbeed iyo Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in Abuu Mansuur uu safka Xarakada Al-shabaab ka baxay Lix sano ka hor ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Hogaamiyihii Al-shabaab ee geeriyooday Axmed Cabdi Godane (Abuu Subeyr).

Al-shabaab ayaa sheegay in Sheikh Mukhtaar iyo 7-ka mid ah ilaaladiisa ay hadda ku sugan yihiin magaalada Xudur ee Gobolka Bakool halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya,sida hadalka loo dhigay.

Al-Shabaab ayaa doonayay iney dilaan ama nolosha ku qabtaan Abuu Mansuur ka dib markii ay fashil ku dhamaadeen wada hadalo u socday Al-shabaab iyo Wadaadka ka dibna dagaal faraha looga gubtay ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Abal oo wadaadka iyo ciidamo ilaalo u ah ay ku sugnaayeen.

Ugu danbeyn Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta isku soo dhibay dowladda waxaana hadda laga arinsanayaan sida laga yeelayo Wadaadka.

Posted by on August 13, 2017. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Leave a Reply