Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa u taqaan Burcad badeed

Dadka Soomaalida iyo bulshada caalamka ah marka ay maqlayaan Erayga Burcad-badeed waxay durbaba maskaxdooda kusoo dhacayo markab la qafaashay .

Xeebta Soomaaliya oo ah tan ugu dheer qaraada Afrika islamarkaana ah xeeb ay dangiigaan khayraad aad u farabadan oo uu rabi ku manaystay, waxayna xeebtani nasiib u yeelatay in markab walba uu si sharci daro ah kaga kaluumaysto ama uu kusoo xadgudbo .

Marka aan kasoo gudubno kaluumeysiga sharci darada ah oo ay maraakiibta shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya ayaa waxaa jira maraakiib xeebaheena kusoo daadiya qashin ama sun aad u farabadan kuwa oo halis ku ah bini’adamka iyo noolaha ku nool bada gudaheed ayadoo inta badan la arko haamo ku soo caarya xeebaha Soomaaliya oo dadka shacabka ku ah qatar .

Qashinka lagu soo daadiyo ayaa la tuhunsanyahay in ay iska soo fogeeyaan wadamada ajanabiga ah madaama aysan dalkooda la rabin halista ay haraadiga Niyukleerku ku yeelan karo wadankooda , taa badalkeedana ay soo doorbidaan xeeb aan maamul iyo cid ka celisa lahayn

Waxaaa sidoo kale xusid mudan qataraha ay maraakiibta shisheeye ku hayaan xeebaha Soomaaliya ayaa ah mid ay ku qal-qal geliyaan dadka kaluumaysata Soomaalida ah ee ka kaluumaysta xeebaheena ,ayadoo cabsi soo wajahda kaluumaystada soomaalida oo jeclaystay inay ka faaiidaystaan qayraadka badooda .

Maraakiibtaas waxay mararka qaar ay qafaashaan kaluumaysato ayago uga shakisan in ay yihiin burcad badeed waxaana halkaa aad u yaraata kaluumaysigii dhalinta soomaalida ay kalluunka kula soo bixi jireen.

Maraakiibta shisheeye ayaa waxay xaalufin ku hayaan qayraadka badda Soomaaliya dhexdeedda ku jira , mana jirto cid masuuliyad iska saartay ama ka hadasho maraakiibtaa dhibka ku hayya umadeena Soomaaliyeed , waloow marar badan aan warbaahinta laga maqlaa ayagoo leh dowladaha shisheeye oo qarashaad aad u farabadan ku bixinayo sidii burcad-badeeda Soomaalida loogula dagaalami lahaa xeebaha Soomaalida inkastoo aysan marnaba soo hadal-qaadin dhibaatooyinka ay maraakiibta shisheeye ku hayyaan xeebaha Soomaaliya .

Sida aan wada ognahay bilowgii burcad badeed Soomaalida ayaa waxay ahayd mid qasabtay ama keentay dhalinyaro kaluumaysato gadootay , kadib markii cadaadis uu uga yimid maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya kusoo xadgudbay waxayna go’aansadeen sidii ay isaga qaban lahayeen burcad-badeeda maraakiibta dagaalka wadato .

Inkastoo ay jiraan Dhalinyaro farabadan oo ay burcad badeednimada ku qasabtay duruufo dhaqaalo ama shaqalo la’aan dalka ka jirto awgeed .

Aqriste qarashaadka la geliyo la dagaalanka burcad badeed waa lacag aad u farabadan oo malaayiin dollar ah , waxaana maalinba maalinta ka danbeysa soo kordhaya wadamada u tartamaya sidii ay ula dagaalami lahaayeen dhalinyaradaa masaakiinta ah ee aanan helin Qareen u dooda ama dowlad u hadasha , ayadoo taas ay ka fiicnayd in qarashkaa la geliyo ciidamada badda soomaaliya,burcadbadeedana laga qayb gelinayo .

Halista ay leedahay in xukumo adag lagu fuliyo dhalinyaro aad u da’yar oo masaakiin ah iyo kuwa ay ku kaliftay burcad badeednimadu duruufo kala duwan taasi oo keeni karta in qofku uu ku dhiirado inuu galo falal si uu naftiisa ugu helo Nabad galyo .

Wiil 16jir ah inta uu dunida ka garanayo ay tahay inta uu ka arkay noloshisa , wiilka oo u baahan xanaano , waxbarasho hadii maxkamadi ku xukunto xarig 20 sano ah , qiyaas wiilka muxuu waayay ? , wuxuu ka lumay waqtigii waxbarashada , waxaa ka maqan latalintii guud ee walaalnimo .

Gaba-gabadii aqrista Maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku hayya kheyraadka badda Soomaaliya iyo kuwa kusoo daadiya haraadiga sunta ahba, sunta oo inta badan kusoo caarya xeebaha Soomaalida magaca aaad isleedahay waa loogu yeeri karaa waa mid adiga laga rabo .

Waxaase hubaal ineysan ahayn nabad ilaaliyayaal ama maraakiib wanaag wada , inkastoo aan islahaa way ku fiicnayd in Burcad badeed ayaga loogu yeero waayo ayaga kusoo dhiiraday in xeebo aysan lahayn ay usoo kaluumaysi tagaan ama ay kusoo daadiyaan waxyaabo aan nolosha biniadamka iyo nolaha bada u roonayn .

Maraakiibta baa isleeyahay Magaca burcad-badeeda ayaga loogu yeeri kara madaama ay ka dhibaatooyin badanyihiin burcadbadeed soomaalida , burcad badeeda Soomalida oo ah kuwa kali ah markab soo qafaala , dadka saarana nabad geliya , halka burcad badeeda ajanabiga ahi ay xaalufiyaan qayraadka , ay laayaan dhalinyarada da’da yar iyo waliba in ay kusoo daadiyaan sun , Yaa qatar badan Aqriste labada burcad `?

Waxaa gabagabadii fariin u dirayaa Dowlada cusub oo aan leeyahay masuuliyad baa idin ka saaran dhalinyaradaas burcad badeeda loogu yeeray , halisteeda ayeey leedahay in xabsi laysaga xiro mudo dheer lagu xukumo ama waqtiyada lasoo qabanayo xabado aan loo meel dayin laysaga furo , qaarna ay naftooda ku waayaan.

Hogaamiyashii dalkoo halinta waxay u baahanyihiin shaqo , waxbarasho iyo waxyaabo farabadan taasi ay helin madaama uu dalka u ka jiro xaalad nololeed oo aad u xanuun badan

Sidoo kale Madaxda qarankoo sida aad diirada u saareysaan ama aad mar walbana afkiina aad ka tiraahdaan inaad burcad badeeda wax ka qabanaysaa ha noqoto in sidoo kale aadan ka tagin burcad badeeda shisheeye ee dalkeena iska kaluumaysto iyo kuwa sunta kusoo shuba xeebaheena , una sheega dowladaha u tartama laynta dhalinteena in ay ku daraan dadaalkooda siyaasadeesan inay ciidamo qaran ee somaliyeed sidii loo dhisi lahaaa ay maal geliyaan

Waa mahadsantihiiin

Axmed Taajir

jalwa62@hotmail.com

You must be logged in to post a comment Login