Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shabaab Xabsi Malahan Xabaalo Mooye Dowlada Somaliya Nabad Galyo Malahan Kufsi Mooye (Xog Dhab ah )

Intabadan dadka soomaliyed ayaa marwaliba waxaa dhagohooda ku soo dhaca dil kufsi d iyo dhac joogtaa oo malin waliba lagula kaco .
Dowladda Somaliya ayaan Kufse mooye Nabad laga faa iidin gobolo badan oo ay kala wareegtay Xarakada al shabaab Goboladaas oo gabdho intii aysan dowladdu tagin Gabar ahaa ayaa takitaankii Ciidamada Dowlada somaliya Ku waayay Gabar nimadoodii .
Shacabka ku dhaqan magaalada Afgooye ayaa dhibaata xoogan kala kulmaya Ciidamada Dowlada Soomaaliya Tan Iyo Markii Ay Dowlada Degmadaasi Ka Saartay Xoogaga Alshabaab.
Dhaca iyo Kufsiga ayaa Afgooye joogto ka naqday waxaana sii dheer dilalka lagula kacyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shalay ciidamo ka wada tirsan DF-ka ayaa ku dagaalamay degmada Afgooye waxayna isku qabteen Lacago Sharci daro ah oo ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha,
Mar aan booqday isbitaalka madiino ee magalada muqdisho ayaan indhahaygu waxay qabanayeen dumar badan oo lasoo kufsaday taasna waxaa u sii dheray markii xubinta taranka tooray lagala dhacay xili lakufsaday kabacdi.
Qaarkamid ah shacabka ku dhaqan gobolada somaliya ayaa siyaabo kala duwan u soo dhawaynayaa Xukun dil ahaa oo lagu fuliyay askar katirsan dowladda Somaliya kuwaas oo Maxakamada Ciidamada qalabka sida ay ku ee daysay in ay Kufsi iyo dil ku ee daysnaayen.
Xarakada Shabaab ayaa dhalinyaro badan oo somaliyed xabalaha ku dartay iyadoo ku eedaysay in ay jaajuusin ahaayeen taasna waxay kuu cadaynaysaa shabaab xabsi malahan xabaalo mooyaane.
Shalay ayay ahayd markii Xarakada al shabaabn ay degmada Ceel-Buur ee gobalka Gal-gaduud laba nin oo shacab ah ku dileen degmadaasi.
Horaantii bishaan ayay ahayd markii xoogaga shabaab ay magalada jilib ee gobolka j/hoose ay ku dileen labo dhalinyaro ku waas oo ay ku ee daysay in ay la shaqeenayeen ciidamada kenya
Shacabka soo waliyeed ayaa goorwaliba la kulmaya Dhac Kufsi Gowrac Hanjabaad iyo Dil joogtaa kaga imanaya dhinacyada is diidan ee isku haya siyaasada dalka .

You must be logged in to post a comment Login