Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Woqooyi ee Soomaaliya oo guryahooda ku xusaay 26-ka Juun

.
Soomaali ayaa ku maah maahda nin aduun joogoow maxaa aragti kuu laaba, waayo la’isma lahayn maalintii umadda Soomaaliyeed ku weyneed ayaa lagu xusaayaa guri dhexdiisa waliba si cabsi ay ku jirto.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Waqooyi lana baxay Somaliland ayaa waxay qol dhexdiisa ku xusaayaan maalinta weyn ee 26-ka Juun ka dib markii maamulka labaxay Somaliland uu u diiday in dabaal degyo ay sameestaan.
Aad ayaa loogu kala aragti duwan yahay maalintan marka loo eego guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland, waxaana dhanka kale ku kala qeybsamay madaxda maamulkaasi.
Caawa waxay xaflad ka dhici doontaa madaxtooyada Somaliland taa oo ah mid lagu kala qeybsan yahay, islamarkaana ay liidayaan maalintaan.
Quluubta Soomaaliyeed waa maalin aad ugu weyn misane ugu qiimo badan, waana maalin farxadeed, waana maalin guul iyo taariikhi leh.

You must be logged in to post a comment Login