Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shaqaalaha Dahabshiil oo dilay askari dowladeed.

Ilaalada xarun ay Suuqa Bakaaraha ku leedahay  Xawaalada Dahabshiil ayaa waxa ay toogteen mid ka mid ah Askarta ilaalada ka ahaa Suuqaasi kadib markii uu shaki soo kala dhex galay.

Dilka askariga ka tirsanaa ciidmada dowlada federaalka ee Soomaaliya ilaadada Dahabshiil  toogteen ayaa dhaliyay dagaal kooban oo halkaasi ku dhex maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ilaaladii xarunta inkasta oo qasaare dheeraad ah aan la soo tebin.

Dagaalka oo in muda ah socday kadib ayaa goobta waxaa gaaray gudoomiyaha degmada Howl-wadaag, oo ku guuleestay in dagaalka uu joogsado.

Xaruntii Dahabshiil ee rabshadu ka dhacay  ayaa albabada leesugu dhuftay iyada oo dhamaan shaqaalihii xabsiga loo taxaabay si wax badan looga weydiiyo wixii ku qasbay in ay dilaan askari qaran.

Dagaalka intii uu socday ayaa waxaa hakad galay dhaq-dhaqaaqii Suuqa gaar ahaan goobaha ku dhawaa halka dirirtu ka socotay, waxaana shacabka halkaasi ku gacansananay iyo kuwa ka dukaameysanayay oo wayaahaan xabado lees dhaafsanayo ka reestay ay soo xasuusteen xilligii fowdada.

You must be logged in to post a comment Login