Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shaqaale ka tirsan Dowladda oo lagu dilay Muqdisho.

February 20, 2019

Muqdisho–Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya ku dileen degmada Hodan ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan, Xilli uu watay Gaari nooca raaxada ah,waxaana la sheegay in kooxda dilka geysatay  ay wateen mooto Bajaaj, kadib markii ay dilka fuliyeen ay qaateen gaariga uu watay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal,waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa  ku xigeenada  Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Kooxda dilka fulisay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halkaasi ay gaareen askar ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaa ayna goobta ka bilaabeen baaritaano.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan koox ku hubeysan bistoolad.

You must be logged in to post a comment Login