Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SHARCIGA LAW 37 NORWAY DOONEEYSAA INAY BEDASHO WAA MAXAY?

SHARCIGA LAW 37 NORWAY DOONEEYSAA INAY BEDASHO WAA MAXAY?
Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972
Qodobka 1aad
Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)
1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.
2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee lagu galo maraakiib maraaysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.
Qodobka 2aad
Cabbirka Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)
1. Asaaska caadiga ah ee laga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xaduud badeedka Wadanka Soomaaliya, waa xarriiq toosan oo xeebta ku dherersan, taas oo dhacda meel joogga biyaha baddu hooseeyo.
2. Goobaha xeebta ee sii gashan gudaha berriga ama meesha leh jasiirado yaryar oo ku teedsan cirifka xeebta, markaas nidaamka (xadaynta ee) la raacayaa waa xarriiq toosan oo isku xireysa laba barood oo ku haboon, taas oo looga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xadka dhul badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea).
3. Biyaha dhanka xeebta ka xiga xarriiqda asaaska u ah cabbirka dhul badeedka wadanka (Somali Territorial Sea) waxay la mid noqonayaan biyaha xiga gudaha dhulka qaranka, waxaana taas sii qeexaya qodobka 4aad ee hoose.
Qodobka 3aad
Dhul-badeedka Jasiiradaha iyo Jasiiradaha yaryar ee teedsan
1. Meelaha ay jasiiradi ku dhextaal gudaha xadka 200-mayl-badeed biyaha halkaas ku dhex wareegsani waxay soo hoos gelayaan dhul-badeedka wadanka Soomaaliya (Territorial Sea). Biyaha halkaas ku xeeran ballacoodu wuxuu noqonayaa 200 mayl badeed, waxaana laga cabirayaa meesha ugu hoosaysa ee biyuhu u gaarayaan jasiiradda.
2. Jasiiradaha yaryar oo isku xiriirsan waa in loo tixgeliyo in ay isku dhegan yihiin, isla markaasna dhul badeedka (Territorial sea) waxaa laga cabbir qaadanayaa jasiiradda dhexda u ah jasiiradahaas aadka u yaryar ee isku xiriirsan.
Laga soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37, xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm in uu yahay dhul badeedkooda (Territorial waters).
ILAAH SOOMAALIYA HAKA BADBAADIYO KUWA U DHASHAY IYO KUWA AJANANIBA. AMEEN
Sheiknor A. Qassim
Sheiknor A. Qassim

You must be logged in to post a comment Login