Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shariif Xasan Sh. Aadan oo ballantii uga baxay Madoobe kaddib…

 Xubno ka mid ah maamulkii uu hogaaminaayay Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu ka baxay heshiis horay ay ula gaareen.

Cabdiqaadir Ajuuke oo ka mid ah xubnahii uu hogaaminaayay maamulka Madoobe Nuunoow ayaa sheegay in balanta Labada dhinac ay ahayd awood qeybsi dhanka wasiirada iyo guud ahaan maamulka ah, hase ahaatee aanay dhicin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in aan wax xil ah loo magacaabin shaqsi ka socda maamulkii Lixda gobal ee Koonfur Galbeed, islamarkaana heshiiskii dhacay qeyb ay ka ahayd in wasiirada dhinacooda ay xubno ka keensadaan.

buy clomid online without prescription, clomid online.

Ajuuke ayaa dhanka kale sheegay in Ilaa Afar xubin oo ka mid ah wasiirada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed in aysan u dhalan gobalada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose waa sida uu hadalka u dhigaye, isaga oo dowladda iyo caalamka ugu baaqay in arintaan ay soo fara geliyo.

You must be logged in to post a comment Login