Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekadi Yaxye

NASASHASA JIMCAHA -5.

1-Laba arday Cali iyo Axmad ayaa imtixaan wada galay, markii ay soo baxeen ayaa Cali weeydiiyay Axmad: Ka waran imtixaankii maanta?,

Axmad ayaa ku yiri: aad ayuu u adkaa,markii aan ka jawaabi waayay ayaan warqada ka buuxiyay aflagaado iyo Caay macalinka ku saabsan.

Cali ayaa ku yiri: nin xun ayaad tahay,in aad macalinka caayneeysay maxaad iigu sheegi weeyday ,dambi ayaad i galisay.

Axmad ayaa yiri: muxuu yahay dambiga aan ku galiyay?

Cali ayaa ku yiri: waan kaa qishayay imtixaanka…..

( Federaal aad qishtay yuuna kugu fugan).

2-dayaarad hawada mareeysay ayaa lulutay, dadkii ayaa wada qeyliyay, nin waalnaa oo ayna ka war qabin oo dayaarada saarnaa ayaa yiri: aamusa anigaa duuliyaha u tagayee, wuxuu galay qolkii duuliyaha, wuxuuna ku yiri: duuliyoow I bar sida dayaarada loo duuliyo.

Duuliyihii ayaa ku yiri: waan ku baraa ee dadkaa iga aamusi. Waalanoow dhinicii rakaabka ayuu soo aaday, wax yar kadib ayuu dib u soo noqday.

Duuliyihii ayaa ku yiri: dayaarada luxluxashadii ayaa ku badatay, waanse ku baraa, laakin dadkii waa wada aamuseen ee sideed u qancisay.

Waalanoow ayaa ku yiri: irdaha ayaan u wada furay, waxaana ku iri Banaanka ku soo ciyaara.

( Shacabkii Soomaalidu waa aamuseene ma banaankeey ku soo ciyaarayaan).

3-Gaari gacan giriig ( dalaciye) u doono waa inkaar. dhib ku heysta oo Ciidamada Xoogga dalku xalin karaan AMISOM u dirso, waa inkaar. Dalka giriig in lagu dalaco, kadibna laguugu yiraa: haddaan AMISOM ku dalici laheyn shil gaari gacan ayaa dhici lahaa soomali badanna waa ku dhiman laheed…Fiiri: Sawirka.

Qore: Yahya Amir.

Yahya Amir's photo.
Yahya Amir's photo.
clomid for cheap, generic clomid.

You must be logged in to post a comment Login