Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay shalay cashar u dhigeen Ciidamada Kenya

buy Intagra, Zoloft withoutprescription. Cali-DheereCali Dheere, AliKa gadaal markii shalay Al Shabaab ay weerar ku qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya, ayaa waxaa taasi guul weyn ka sheegatay Xarakada Al Shabaab.
Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Al Shabaab inay shalay jab weyn u geysteen Ciidamada Dowladda Kenya.
Afhayeenka Al Shabaab wuxuu sheegay in dagaalo soo noq noqday ay la galeen Ciidanka Kenya, ayna kaga furteen sida uu hadalka u dhigay 3 gaari, halka 3 kalana ay kaga gubeen dagaalada.
Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay Dowladda Kenya inay ku soo xad-gudubtay dalka iyo shacabka Somaliyeed, isla-markaana ay iyaguna ka jawaabayaan xad-gudubka uu sheegay inay geysatay Kenya.
Sheekh Cali Dheere oo la hadlay idaacada Andulus oo afka Al Shabaab ku hadasha, ayaa wuxuu ku hanjabay inay qorsheynayaan weeraro hor leh oo ay ka geystaan dalka Kenya.
Al Shabaab, ayaa waxay dagaal ballaaran kula jirtaa Dowladda Kenya, iyadoo markaasi sheeganeyso inay difaacayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

You must be logged in to post a comment Login