Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh C/qaadir Muumin oo ka hadlay heshiiskii ay gaareen dhawaan dowlaeda Soomaaliya iyo maamulka Puntland

Sheeekh Cabdi Qaadir Cali Muumin oo ka mid ah Saraakiisha al Shabaab ee ku sugan deegaanada uu ka taliyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii ay wada gaareen maamulka Puntland iyo dowladda Soomaaliya uusan ka duwaneen heshiisyadii hore dhamaantoodana ay fashilinayaan.

Sheeekh Cabdi Qaadir Cali Muumin ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska uu soo dadajiyay cadaadiska dhinaca dagaalka oo ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland, isaga oo xusay in uusan waxba u dhimeyn heshiiska labada dhinac.

Heshiiskii ay wada gaareen dowladda iyo Puntland ayaa waxaa qeyb ka ahaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen labada ladagaalanka Al Shabaab.

You must be logged in to post a comment Login