Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Shaakir oo markii ugu horeysay qabanaya xil ku cusub qaab dhismeedka maamul gobolleedyada

Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa noqonaya mid ku soo kordhiyay xil cusub marka la eego qaab dhismeedka maamul gobolleedyada dalka ka jira.

Heshiiska ayaa waxaa ku cad in hogaamiyaha maamulka Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan markii ugu horeysay Galmudug ka qabanayo xilka wasiirka koowaad oo awoodaha la siiyay la oran karo waa mid u muuqaal eg ai???Raai??i??iisal Wasaare ai???ai??i?? oo kale inkastoo magacaa aan lagu muujin heshiiska.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhisi doona xubnaha golaha wasiirada isaga oo la tashanaya madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Koowaad oo noqonaya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo marka danbe awood u leh in uu Golaha Baarlamaanka uuAi?? horgeeyo Wasiirrada cusub si ay codka kalsoonida siiyaan.

Sheekh Maxmed Shaakir ayaa sidoo kale shir guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirrada, sidoo kalana waxaa uu talo ku yeelan doonaa xil ka qaadista xubinta ka tirsan Golaha Wasiiradda, iyadoo madaxweyne Xaaf uusan awood u yeelan doonin in uu xil ka qaadis sameeyo isaga oo kala tashan Ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka Koowaad.

Marka la eego maamul gobolleedyada dalka ka jira shirarka Golaha Wasiiradda waxaa shir guddoomiye madaxweynaha, laakiin waa markii ugu horeysay ee Golaha Wasiirrada mid ka mid ah maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya uu shir guddoomin doono Wasiirka Koowaad ama Madaxa xukuumadda oo u dhigma Raai??i??iisal wasaare .

Viagra Plus no rx purchase zoloft, purchase Zoloft. , order Zoloft.

Faaai??i??iidada kale ee Ahlu Sunna heshiiskan ugu jira ayaa waxaa ka mid ah in ay dhankooda ay soo magacaabi doonaan guddoomiyaha maxkamada sare oo ka mid ah Awoodaha ugu sareeya maamulka,

Sidoo kale waxaa ku cad heshiiska in leys waafajin doono labada Astaan ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, inkastoo la sheegay aan wax ka badal lagu sameyn doonin Calanka iyo magaca Galmudug.

Ugu danbeyntii dhamaan qoddobadan lagu heshiiyay ayaa la sheegay in lagu fulin doono magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta u ah maamulka Galmudug

You must be logged in to post a comment Login