Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Xasan “Mujaahidiintu Waxay Dalka Ka Difaacayaan Cadaw Aysan Ladagaalamin Dowladdii Siyaad Barre” Dhageyso.

Sheekh Xasan Yacquub Cali gudoomiyaha Al shabaab ee gobolka Galguduud oo boqolaal qof kula hadlayay magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in ay ladagaalamayaan cadaw jinsiya kala duwan leh.

Wuxuu ka taariikheeyay duullaanadii ay Soomaaliya soo martay wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Al shabaabka soomaaliya ladagaalamayaan cadaw aysan ladagaalamin dowladihii dalka soo maray sida dowladdii Siyaad Barre.

“Gaalada dalkeena kusoo duushay way jabeen mujaahidiinta soomaaliya waxay iska caabinayaan cadaw dowlado badan isaga yimid,dowladdii Siyaad Barre xataa lama dagaalamin cadawgan marka Itoobiya laga reebo”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Mas’uulkan al shabaab wakiilka uga ah Galguduud ayaa qabaa’illada dega Bariga Galguduud uga mahad celiyay taageerada maaliyadeed iyo midda nafeed oo ay uga qeyb qaadanayaan xabashida Itoobiya ee Galguduud kusoo duushay.

You must be logged in to post a comment Login