Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadlay dagaalkii cuslaa ee Itoobiyaanka Galgaduud ay kula galeen

Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Gobalka Galgaduud, kaasi oo udhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Al-Shabaab uqaabilsan Gobalka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay Warbaahinta Al-Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya dagaalkii ka dhacay Gobalkaasi ay ku gaarsiiyeen khasaaro aad uculus.
Sheekh Xasan Yacquub, ayaa sheegay inay dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo ay ku dileen dagaalka, inkastoo uusan cadeen tirada ciidamada ay dileen.
Wuxuu kaloo sheegay inay ciidanka Itoobiya ay ka qabsadeen hub, gaadiidna ay ka gubeen, isaga oo carabaabay inay dhawaan soo bandhigi doonaan hubka ay ka qabsadeen ciidamada Itoobiya oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen waxa ay Shabaab u yaqaaniin “Qaniimo”.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Galgaduu, wuxuu cadeeyay in dagaalkii shalay ka dhacay Wabxo uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Itoobiyaanka tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.
Ilaa hada saraakiisha ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ee Gobalka Galgaduud, faah-faahin kama aysan bixin dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay duleedka Wabxo ee Gobalka Galgaduud.
Dagaalkii shalay Wabxo ka dhacay, ayaa wuxuu ahaa midkii ugu cuslaa oo Itoobiyaanka ay kala kulmaan Ururka Al-Shabaab, tan iyo markii ciidamada Itoobiya howlgalka Amisom ay kusoo biireen

You must be logged in to post a comment Login