Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheikh Al-qaadi iyo AMISOM oo isku raacay in Beledxaawo….

Apcalis SX Oral Jelly online, generic clomid. Masuuliyiin ka tirsan ururka Ahlu sunna iyo gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa kulamo kala gaargaar ah magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha AMISOM iyo madaxda maamulka gobolka, iyadoo ay ka wada hadlayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Beledxaawo.

Afhayeenka ururka Ahlu sunna gobolada Koofureed Sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay isla garteen AMISOM in lala dagaalamo dadka amni darada ka abuuraya degmada Beledxaawo.

Sidoo kale Al-qaadi ayaa sheegay in Baydhabo ay ka tagayaan oo ay gaarayaan degmada Beledxaawo halkaasi oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen, ayna qorsheynayaan inay kulamo kale la qaataan madaxda ku sugan degmadaasi six al looga gaaro dagaaladaasi.

Afhayeenka Ahlu sunnada Koofureed Sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa dhanka kale ka hadlay doorka ay dowlada Soomaaliya ku leedahay xal u raadinta dhibaatada degmada Beledxaawo iyo dardaaranka uu u jeedinayo dhinacyada dagaaladamaya.

Ugu dambeyntii degmada Beledxawo ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, laakiin sida aan xogta ku helayno u kala saftay labo maamul goboleed oo ka dhisan koofur Galbeed dalkeena Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login