Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SHIINAHA OO 700 ASKARI U DIRAAYA DALKA KOONFUR SUUDAAN

Dowladda Shiinaha, ayaa waxay qorsheysay in boqolaal askari oo xagga dhulka ah ay u dirto dalka Koonfur Suudaan, si ay uga qayb qaataan xasiloonida dalkaasi.

Muddo 13 bilood sii caga cageyneysa, ayaa waxaa dalkaasi ka taagan dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya Dowladdda itaalka daran iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeedo, waxayna taasi dhalisay in ciriiri uu galo xasiloonidii dalka curdunka ah.

Shiinaha oo dhaqaalo xoog leh geliyay mudadii uu jiray dalkaasi, ayaa waxa uu cadeeyay in uu ka qayb qaadan doono nabad ilaalinta dalkaasi, isla-markaana ay ka hortaggi doonaan wax kastaa oo liddi ku ah xasiloonida.

Shiinaha, ayaa dhanka kale ka cararaaya in dhinacyada isku haaya Koonfurta Suudaan ay u arkaan, mid u xaglinaaya hal garab, oo kan kalana uu ka soo horjeedo.

180 ka mid ah Ciidamada lugta ee Shiinaha, ayaa waxaa bishaan lagu wadaa inay gaaraan Koonfurta Suudaan, halka tirada kalana ay gaari doonto bisha Maarso/March.

Shiinaha, ayaa ka dheregsan in wax natiijo ah ka soo bixi waayeen wada hadalo marar badan loo qabtay Dowladda iyo mucaaradka, waxayna taasi keentay in fara-gelin uu ku sameeyo.

Waa markii ugu horeysay oo ciidan qalabeysan oo dhanka dhulka ah uu Shiinaha u diraayo geyiga Afrika. Shiinaha ayaa horey ciidan yar oo goobo gaar ilaaliya u diray dalalka Mali iyo Liberia.

buy Viagra Plus, Zoloft withoutprescription.

You must be logged in to post a comment Login