Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shiinaha oo si kulul uga hadlay shirkado uu Mareykanku uga daray liiska madow.

 Oct 8, 2019

 0S

Muqdisho–Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Shiinuhu uu aad u cambaaraynayo shirkado iyo ururo uu Mareykanku ku daray liiska madow.

Shirkadahan ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo ka dhan ah aadanaha ay u gaysteen muslimiinta laga tirada badan yahay ee Iigoor (Uighurs).

Shirkadahan uu Mareykanku saaray xayiraada ayaa gaaraya illaa iyo 28 shirkadood, kuwaas oo aanan awood u yeelan doonin in ay la ganacsadaan shirkadaha Mareykanka.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in ay haboon tahay in Mareyknaku uu joojiyo qaladaadka uu sameenayo iyo faragalinta uu ku hayo arimaha Shiinaha.

Dowladda Shinaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamto in tacadiyo kala duwan ay kula dhaqaaqdo muslimiinta Iigoor (Uighurs) ee ku nool gobolka Xinjiang.

Shiinaha iyo Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale ka dhaxeeyo dagaal dhanka ganacsiga ah oo aanan wali xal loo helin.

You must be logged in to post a comment Login