Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Shir jaraid oo ay qabatay jaaliyadda beesha Fiqi Cumar

Shir jaraaid oo ay qabatay jaaliyadda beesha Fiqi Cumar ee ku dhaqan dalka UK ayaa ka dhacay magaalada London.
Shirkaan jaraid oo u ka horreeyay shir ballaaran oo ay beeshu ku yeelatay LOndon ayaa lagu cambaareysay dadkii ka dambeeyay fal fool xun oo ka dhacay gobolka Mudug.
Falkaan foosha xun oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka taliyaan maamulka Galmudug.
Ugu dambeyntina waxaa laga codsaday maamulka Galmudug in ay soo qabtaan kooxdi ka dambesey falkaan, oo la hor keeno caddaaladda si ay u qancaan dhibanayaashi dadkooda iyo xoolahoodi dhibta la gaarsiyay.

Maxameddeeq Cumar Sheikh
London

You must be logged in to post a comment Login