Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir ka dhan ah Al-shabaab oo hada ka soconaya Muqdisho iyo Saraakiisha AMISOM oo la isugu yeeray.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan iyo kuwa Somaalida,waxaana shirkaasi oo hada aan la shaacin karin waxa looga hadlayo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Kulanka oo ah mid culus ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan saxaafada,iyadoo goobta kulanka uu ka soconayo amaankeeda iska kaashanayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo Ciidamada Dowlada gacansiinaya.
Xasan Sheekh ayaa canaan kala du ldhacay taliyayaasha Baliiska iyo Nabadsugida oo uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen Howshooda.
Taliyaha Sirdoonka Dowladda oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay yartahay wada shaqeynta saraakiisha laamaha amaanka taasi oo keenaysa in shabaabul mujahaidiin usahlanaato weerarada ay ku hayaan xarumaha dowladda.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Raysulwasaaraha Cusub ayaa iyana la sheegay inay jeediyeen hadallo iyagoo goobta ku soo bandhigay hindiso looga hortagi karo weerarada ka imaanaya shabaabka jalbaysan.
Kulanka oo xasaasi ahaa ayaa markale lagu balamay iyadoo aysan jirin wax natiijo la sheegi karo oo laga soo saaray kulanka ka dhacay Madaxtooyada.
Dhanka Kale Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay dilal loo gaystay Laba qof.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa qof rayid ah Muqdisho ugu dilay Mobil dartiis.
Degmada Deyniile ee Muqdisho waxaa lagu dilay nin magaciisa lagu soo koobay Ciise.

You must be logged in to post a comment Login