Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaas oo ah sanadkii labaad oo la qabto shirkan, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Hey’addaha Garsoorka dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa garsoorka dalka, waxaana lagu wadaa in wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya ay soo bandhigi doonto warbixin ku saabsan arrimaha garsoorka dalka.

Waxaa kaloo la filayaa in shirka lagu soo bandhigo waxyaabihii ka hirgalay qodobadii ka soo baxay shirkii sanadkii hore la qabtay.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxyaabihii ay balanqaaday inay mudnaanta siin doonto waxaa ka mid ahaa dib u habeynta garsoorka, iyadoo ay jireen is bedelo lagu sameyn doono hey’adaha garsoorka dalka.

You must be logged in to post a comment Login