Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka looga hadlayo hirgalinta New Deal oo maanta la soo gabagabeynayo

Maanta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka looga hadlayo sida looga faa’iideysan lahaa mashruuca New Deal oo ay soo
qabanqaabisay dowladdu isla markaana ay ka qeyb galayaan wakiilo ka socda gobollada dalka.

R/wasaaraha xukuumadda mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka qeyb gali doona xiritaanka shirkaan oo ay sidoo kale ka qeyb galayaan agaasimeyaasha wasaaradaha xukuumadda iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan oo socday saddex maalin ayaa looga hadlay sida loo dhaqan galin lahaa dhammaan mashaariicda ay dowladdu u gudbisay in laga caawiyo ee qeybta ka ah barnaamijkan oo dowladda ka saacidi doona dib-u-dhiska, ammaanka iyo bani’aadamnimada.

Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa laga dooday qodobbo muhiim ah ayadoo ka qeyb galayaasha loo qeybiyay dhowr koxoood oo maanta warbixin kama dambeys ah ka keeni doona qodobbada ay ka doodayeen.

Midowga Yurub ayaa mashruucaan New Deal ee dib u dhiska Soomaaliya ku bixiyay lacag badan si Soomaaliya looga caawiyo dib-dhiska iyo dowladnimada ayadoo laga jawaabayo xaaladaha bani’aadamnimo iyo ammaanka.
buy Extra Super Tadadel online cheap, acquire Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login