Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka madaxda D/goboleedyada oo ka furmay Dhuusamareeb

 Jul 11, 2020

Dhuusamareeb-Waxaa hada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug si rasmi ah uga furmay shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo marti gelineysa shirkan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa khudbad ka jeediyey furitaanka shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka, isaga oo sheegay in ajendaha hor yaalla uusan jirin mid ka muhiimsan oo laga hadli lahaa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xusay inay lama horaan tahay in laga wadatashado aayaha dalka oo ay ugu horeyso nuuca doorasho ee dalku aadayo, isaga oo rajeeyey in wax loo aayo ay kasoo bixi doonaan shirkan.

Ugu dambeyntii Qoor Qoor ayaa madaxda dowlad goboleedyada kale uga mahad celiyey kasoo qeyb galka shirkan.

Toos u Daawo khudbadaha madaxda

You must be logged in to post a comment Login