Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirka xulista baarlamaanka maamulka Jubba oo ka furmay Kismaayo

Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka furmay shir ballaaran, oo lagu sheegay mid lagu soo xulaayo Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulka Jubba. order paroxetine online cheap, cheap dapoxetine.

Shirka waxa uu ka furmay Garoonka Duulimaadyada ee Magaalada Kismaayo, waxaana daah furay Madaxa Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana ka qaybgalaaya wakiilo ka socdo Beesha Caalamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba, ayaa waxaa lagu wadaa inay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaa oo qaab beeleed u abaabulan.

Madaxa Maamulka Jubba oo ka hadlaayay shirkaasi, ayaa wuxuu Odayaasha Dhaqanka uu ka codsaday in si wanaagsan ay ku soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la kaamil yeelaayo Dhismaha Maamulka Jubba.

Axmed Madoobe, ayaa soo hadalqaaday qaybaha Jubbooyinka ee ay kaga sugan yihiin dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, isla-markaana aan loo baahnayn in la suggo, ilaa iyo inta dhulkaasi laga saaraayo Shabaabka, muhiimadana la siiyo Dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Wakiilada Beesha Caalamka ka socdo oo iyaguna ka hadlay shirkaasi, ayaa waxay guubaabo u jeediyeen Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka, si ay u dardar-geliyaan waajibaadka loo igmaday.

Ciidamada Maamulka Jubba iyo Amisom, ayaa maanta xoojiyay ammaanka Garoonka Magaalada Kismaayo iyo goobaha kale ee ku dhow dhow, waxaana loo diidayaa in gaadiidka ay adeegsadaan.

You must be logged in to post a comment Login