Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirkadda Hormud oo ciidamo qoratay

Ilo wareed ay Heshay Warqaad ayaa sheegaya in Maamulka Shirkada Hormuud Telekom ay ka shireen Dilalka ku batay Shaqaalahooda.

Arintaan ayaa waxa la isku afgartay in la is weydiiyo Qaab nabad gelyo ah oo shaqaalahooda ku imaan Karaan Xarunta kadibna ay Xaafadahooda u aadi karaan.

Ilo madax banaan ayaa inoo sheegay in Ciidamo ay uqoratay Shirkada Hormuud inay ilaaliyaan Shaqaalaheeda oo ilaalo ka haya markay Xarunta imaanayaan ilaa Xaafadooda tegayaan.

Tani ayaa waxay ka difaac gashay Shirkada Hormuud beegsiga gaarka u noqday Shaqaalaheeda oo aad loo laayey.

Bishii hore Ee November waxaa la dilay kudhawaad 10 Shaqaalaha Hormuud oo qaarkood ahaa sida la sheegay inay ahaayeen xarumo kala duwan kuwo ka shaqeenayey.

Wararka la helay ayaa sheegayey in Daacish ay beegsigaas waday markii loo diiday Lacag ay weydiisteen Madaxda Shirkada Hormuud Telekom.

You must be logged in to post a comment Login