Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirweyne dib u heshiisiineed oo maanta ka furmaya Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo shirweyne dib u heshiisiineed oo looga hadlayo dhamestirka maamul goboleed ay yeeshaan gobollada koofur galbeed ee dalka.

Qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ayaa ka socota magaalada Beydhabo kaasoo la filayo inuu halkaasi ka furmo, waxaana la adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo.

R/wasaare Dr. Cweli Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu gaaro Baydhabo, si uu uga qeybgalo shirka halkaasi ka furmidoona, iyadoo halkaasi ay sii joogeen, gudoomiyaha Baarlamanka, xildhibaano iyo wasiirro .

Gudoomiyaha Baarlamanka oo gelinkii dambe ee shalay saxaafadda kula hadlay Beydhabo ayaa ku dhawaaqay in maanta uu magaalada Baydhabo ka furmi doono shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo ummadda ku dhaqan gobollada koofur galbeed.

Shirkan dib u heshiisiinta ah ee lagu wado inuu maanta furmo ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Baralmanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmihii la soo dhaafay howlo dib u heshiisiin iyo dhex dhexaadin ah ka waday magaalada Baydhabo.
Super Tadarise without prescription, generic clomid.

You must be logged in to post a comment Login