Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta Madaxweyninimo Puntland oo la shaaciyay

Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ayaa maanta oo Axad ah soo saaray shuruudo uu sheegay in looga baahan yahay inay buuxiyaan musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland.
Afhayeenka guddiga doorashada madaxtinimada Puntland Saadiq Abshir Garaad ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay casaimadda Puntland ee Garoowe kaga dhawaaqay shuruudaha la rabo inay buuxiyaan musharraxiinta madaxtinimada Puntland.
Shuruudaha laga doonayo musharraxa madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah inuu bixiyo lacag is-diiwaan-gelin ah oo dhan $10,000, inuu yahay Muslim, inuu yahay qof ka soo jeeda deegaannada Puntland, inuu ka wayn yahay 40 jir, inuu leeyahay waayo-aragnimo dhinaca hoggaanka ah iyo inuusan lahayn diiwaan dambi, Saadiq ayaa sheegay.
Guddiga ayaa ku war-geliyay musharraxiinta inay araajidooda ku soo gudbiyaan ugu dambayn maalinta Talaadada oo ku beegan January 07.
In ka badan 15 musharrax ayaa isu soo taagay inay qabtaan xilka madaxweynenimo ee Puntland.
Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Garoowe January 8.

You must be logged in to post a comment Login