Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siilaanyo oo Digniin u Diray Gaas kana Hadlay Arimo Dhawr ah

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu markii ugu Horeysay ka Hadlay Sida uu U arko Doorashadii ka Dhacday Puntland iyo Madaxweynaha Cusub ay Yeelatay Puntland.

Siilaanyo oo la Hadlaayey Warbaahinta Qaar ayaa wuxuu sheegey in ay Muhiim tahay kuwada Noolaanshada Jawi Nabdoon Cid Kastana ay u Roontay in Deegaanadiisa Si Nabad Qab ah ugu Noolado.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Puntland inuu ka shaqeeyo kuwada noolaanshaha dhanka ammaanka deeganada Puntland iyo Soomaaliland.

Siilaanyo, wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan isbedelka dhanka siyaasada ah ee ka dhacay deeganada Puntland, isaga oo ujeediyay hambalyo ku aadan xilka uu qabtay C/wali Gaas.

Todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland, wuxuu uga digay Puntland inay faragelin kusoo sameyso deeganada Maamulkaasi.

Madaxweynaha cusub ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa horay usheegay in Magaalada Laascanood oo hada Soomaaliland ay maamusho uu dib ugu soo celinayo gacanta Puntland ama siyaasad ama dagaal intaba midkood.

You must be logged in to post a comment Login