Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sir culus: D.D’itoobiya oo xaqiijsay in ay xirtay Biyaha Wabiga Shabeelle

paroxetine without prescription, dapoxetine online.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Max’ud Cumar ( Ileey) ayaa sheegay in iyagu ay si ula kac ah u xireen Wabiga Shabelle si ay uga faa’iideeyaan shacabka Ethiopia.

Cabdi Max’ud Cumar Madaxweynaha  DDSI ayaa xusay in tani ay muhiim u tahay shacabkiisa si ay uga faa’ideystaan beeraha iyo dalagyada ay ku abuuraan intaba.

“ waxaan kale oo aan uga faa’ideysaneynaa shirkado shisheeye oo aan kula heshiinay in ay noo leexiyaan biyo xireenada si beeraheenna aan ugu horumarsano” ayuu yiri Cabdi Max’ud Cumar.

Isagoo sii hadlayay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa  waxa uu hoosta ka xariiqay in iyaga ka dowlad ahaan ay muhiimada siinayaan shacabkooda gaar ahaan kuwooda dhibaateysan maadaama beerihii ay tabcadeen aanu yeelan wax soo saarkii loo baahnaa.

Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo uu maro webiga Shabelle ayaa saameyn ay ku yeelatay gurista Biyaha Webiga iyagoo dadka Soomaaliyeed ee degan deegaanadaasina ay soo food saartay Biyo la’aan daran oo xittaa dad caruur ay ka mid yihiin ay u geeriyoodeen.

Culumaa’udiinka , waxgaradka iyo qeybaha Bulshada deegaanadaasi ayaa si isdaba joog ah uga dalbanayay dowladda Federaalka in ay suura geliso ka qaadista xayiraadaasi Webiga Shabelle ka saaran dhanka Ethiopia.

One Response to Sir culus: D.D’itoobiya oo xaqiijsay in ay xirtay Biyaha Wabiga Shabeelle

  1. Nuradin Kamal

    March 25, 2016 at 02:11

    Waaba cunaqabateen sidani lama arkin iyo lama maqalbaa kadhacday matiibeey taasna ku darsatay Somali ayaan daranaa

You must be logged in to post a comment Login