Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sir Culus: Madaxweyne Xasan & Raysal Wasaare C/wali oo khilaafkii ugu xumaa ka dhextaagan…..

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa markii ugu horeysay soo kala dhexgalay khilaafkii ugu xumaa , iyadoo khilaafkan oo si aad ah looga hadal hayo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wararka hora dhaca ah oo an ka helayno caawa Madaxtooyada ayaa sheegaya in khilaaf ku aadan xaalada Magaalada Kismaayo uu soo kala dhexgalay labada Masuul.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Xasan sh, uusan ka warheyn socdaalka Raysal Wasaaraha ee Kismaayo, iyadoo Raysal Wasaare C/wali sheekh uu qaatay go’aan u gaar ah oo ku aadan xalinta Muranka ka jira magaaladasi.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uusan ku qanacsaneen go’anka uu qaatay Raysal wasaarahiisa ee ku aadan xaalada Kismaayo.

Sidoo kale warar lagu kalsoonan karo oo soo gaaray xafiiska war-qabadka ee warbaahinta Doolow ayaa sheegaya in Raysal Wasaaare C/wali Sheekh uu diiday inay safarkiisa ku wehliyaan Wasiir Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo ah laba Masuul oo aad ugu dhow Madaxwene Xasan Sheekh,iyadoo talaabadaasi uu ka xumaaday Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa si degdeg ah ugu qeylo dhaansaday Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo safar shaqo ku joogay Dalka Talyaaniga, kadibna doonayay in uu ugu sii gudbo Dalka Norwey.

Dib u noqoshada Prof Jawaari uu maanta ugu noqday Magaalda Muqdisho ayaa la xiriirta siduu uga qeybqaadan lahaa isu soo dhoweynta Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Ugu Dambeyn khilaafkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee soo kala dhaxgala Madaxweyne Xasan sh. Maxamud iyo Raysal Wasaare C/wali Sh. Axmed Maxamed.

You must be logged in to post a comment Login