Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sir Faroole ku qarsaday Mareykanka kana dhan ah Beelaha Hawiye oo la kashifay

Website-ka siraha caalamiga ah faafiya ee Wikileaks, oo haya kumanaan documents oo ah sir dowladda Mareykanka ka fakatay ayaa baahiyay qeyb si aad ah u quseysa Somalia.

Waa sheeko dhex martay wafti reer Puntland ah oo uu horkacayo Cabdiraxmaan Faroole iyo safiirka Mareykanka ee Somalia James Swan.

Kadib wixii uu Faroole ku yiri Swan, ayaa safiirka Mareykanka uu hadalkii Faroole qoraal ahaan ugu qoray dowladdiisa,waxaase heshay Wikileakes, oo banaanka soo dhigtay.

Faroole iyo kooxdiisa waxa ay Dowladda Mareykanka ku shubeen wax kasta oo xumaan ah oo ay kaga been abuuran kareen Beelaha Hawiye.

Xitaa waxa uu Faroole aaminsan yahay in Abgaalka aysan lahayn magaalada Muqdisho, oo reerkiisa Daarood xoog looga qabsaday, Arrintan ayaa dhacday waqtigii dowladda madaxweyne Shariif.

Waxaa sidoo kale halkan aad ku ogaan doontaan sida Faroole u mucaaradsanaa dowladdaas.

Waxaan idin soo gudbineynaa qoraalka oo English ah iyo tarjumaadiisa afka Soomaalida ee aqrista.

QODOBKA KOOWAAD.

Continuing to lecture us, Farole warned against supporting Sheikh Sharif, contending that he is only focused on reconciliation among his clan, and not the larger population.

Launching into a history of Mogadishu and the Benadir region, Farole stated, “Mogadishu should not belong to the Abgal who captured it.

Farole held that Sharif acceptance of Sharia law will eliminate the chance of a constitution.

He called the announcement,a rejection of secularism that the majority of Somalis will oppose.

Farole cautioned that the arms embargo should not be lifted, lest Sharif try to arm his people and threaten Puntland. Minister Dala stated that one of Puntland major concerns is that Sharif has ;brought al-Shabaab to overrun Puntland and Ethiopia.

Asigoo sii wata hadalkiisa, Faroole waxa uu inooga digay in aanan taageerin Sheikh Sharif, isaga oo ku doodaya in uu dib u heshiisiintiisa la rabo qabiilkiisa (Hawiye) oo bulshada inteeda kale aanu la dooneeynin.
Kadib wuxuu galay taariikhda magaalada Mogadishu iyo deegaanka Banaadir.
Faroole wuxuu yiri “Muqdisho ma ahan inay lahaadaan Abgaalka oo ah kuwa qabsaday.

Faroole waxa uu aaminsanaa in qaadashada Shareecada Islaamka ay meesha ka saareyso fursada ku dhaqanka dastuur aadanaha sameeyay.

Subxanallah, ma shareecada iyo dastuur ayaa la isa siistaa, Wuxuu ugu yeeryey ku dhawaaqidaas “ka hortaga cilmaaniyadda” oo bulshadda badankeeda ay kasoo horjeesaneyso.

Faroole waxuu ku taliyey in aanan cunaqabateynka hubka laga qaadin Somalia, si aan Shariif iyo dadkii loo hubeeynin oo Puntland la cabsi galinin.

Wasiir ka tirsa Dowladda Puntland, ayaa yiri “cabsida Puntland ugu weyn waxa ay tahay in Sharif “uu keenay Al-Shabab si ay u qabsato Puntland iyo Ethiopia”

QODOBKA LABAAD.

Farole said the Hawiye clans, who now control Mogadishu, want a highly centralized government that they control. He said his Puntlanders wanted a decentralized government in a federal system. He asserted that the Hawiye think their control of Mogadishu gives them legitimacy to rule Somalia. Farole and his ministers went on to explain how they and their families (meaning their Darood clansmen) had been expelled from Mogadishu and their property confiscated by the Hawiye when Siad Barre government fell in the early 1990s. Farole said these issues still remained to be resolved, and he asked who says Somalia capital has to be Mogadishu?.

Faroole waxa uu yiri “Qabaa’ilka Hawiyaha oo waqtigan ku awoodda badan magaalada Muqdisho, waxa ay doonayaan dowlad dhexe oo xoog badan leh oo iyaga maamulaan.

Waxa uu yiri “Reer Puntland waxa ay doonayaan dowlad aan mid dhexe ahayn micnaha aana awood badan laheyn oo ka mid ah nidaam federaali ah.

Waxa uu adkeeyey in Hawiyaha ay aaminsan yihiin in xukumitaanka magaalada Muqdisho ay siineeyso “xaq gaar ah” oo ah inay xukumaan Somalia oo idil.

Faroole iyo wasiiradiisa kadib waxa ay sharaxeen sida iyaga iyo reerkooda (micnaha qabiilkooda Daarood) looga soo ceyriyey magaalada Muqdisho, islamarkana hantidooda Hawiyaha uu xalaaleeystay kadib burburkii dowladdii Siyaad Barre bilaawgii 1990-maadkii.

Faroole Waxa uu sheegayey in arrimaahaan dhan aan weli lama xalin, wuxuuna na weydiiyay, “yaa yiri magaala madaxda Somalia waa inay Xamar noqataa?”.

QODOBKA SADDEXAAD.

President Farole insisted that the international community not lift the UN arms embargo currently imposed on Somalia. He predicted that such an act would open the door for another civil war & similar to what Somalia experienced in the early 1990s.

Farole asked rhetorically, why would the international community want to provide arms to Islamists who want to take over all of Somalia?
He said Sharif wants to arm 10,000 troops, and asked,what do you think he wants to do with those troops?” suggesting that those troops could be used against Puntland.

Madaxweyne Faroole, waxa uu ku celcelshay in aana beesha caalamka cunaqabateynta hubka ka qaadin Somalia, Waxa uu saadaaliyey in ay arrintaas “dib uu fureyso dagaal kale oo sokeeye” oo la mid ah kii hore ee Soomaaliya soo maray biloowgii 1990-maadkii.

Faroole waxa uu su’aal ahaan noo weeydiiyey “Maxeey beesha caalamka uu hubeeyneysaa Islaamiyiinta rabaan in ey Soomaaliya dhan qabsadaan”.

Waxa uu yiri “Sharif wuxuu rabaa 10,000 ciidaan,
Kadibna waxa ina weydiiyay, “Maxaad u maleeneysa inuu ciidankaas ku suubin doono” asigoo ula jeedo in ciidankaas Puntland lagu weeraraayo.

shabakada somalinimo1.com

You must be logged in to post a comment Login