Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siyaasi caan ah oo Garowe lagu xirey, iyadoona…

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Garowe ee xarunta u ah Maamulka Gobaledka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamadda Amaanka Maamulkaasi ay gudaha Magaaladaasi ku xiteen Siyasiga weyn ee Daahir Cabduqaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo horey xilala uga soo qabtey Dowladihii KMG-ka ahaa ee Dalka Soo maray.

Ciiro oo dhawan ku dhawaaqry urur loogu Magacdarey Golaha Wadatashiga ee Sareenta Sharciga oo saacad ku dhawaad Garowe lagu xirey ayaa waxaa lagu eedeyey in uu shirar sharci daro ah ka bilaabey Puntland.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in si sharci loo xiray dhowr saac, wuxuu beeniyay in uusan wax shirar ah looga looga soo horjeedo.

Wuxuu sheegay in magaalada Garoowe uu u tagay siddii uu ururkiisa oo ah mid doonaya in shrciga uu markasta u koreyn lahaa.

Waxaa la weydiiyay in uu markasta mucaarad ku ahaa maamulada Puntland, wuxuu tilmaamay in mucaaradnimadiisa ay la xiriirto siddii wax loo dhisi lahaa ee aan ahayn in wax la dumiyo.

Maamulka Puntland ayaa ilaa hadda ka hadlin sababta loo xiray Daahir Xaaji Ciiro oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland.

You must be logged in to post a comment Login