Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somali loo qabtay Qaraxyadii Nairobi

Wararka laga helayo Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Qaraxdii dhawaan ka dhacay Madaaladaasi in loo soo qab qabtay Labo Ruux oo ka soo jeeda Soomaaliya.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Magaalada Mombasa Henry Ondieki oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay Ciidamada Booliska Kenya soo qabteen Labo Qof oo lagu tuhmayo Qaraxyadaasi.

Henry Ondieki, Taliyaha Hay’adda Nabadsugida ee Magaalada Mombasa ayaa waxuu carabka ku dhiftay in Labadan Ruux ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab oo sida cad uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa caado ka noqotay Dalka Kenya markii uu Qarax ka dhaco in Soomaali badan la soo qabto islamarkaana lagu eedeeyo Al Shabaab iyo ka dambeynta Qaraxyada Khasaaraha Sababa ee ka dhaca gudaha Dalkaasi Kenya.

Majiro hadalo jawaab u noqon kara Dowladda Kenya oo ka soo baxay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka marka laga tago Warsaxaafadeedyo aan macno laheyn oo ka soo baxay Xafiiskooda. buy Tadacip online cheap, dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login