Somaliland oo ka hadashay ciidamadii galay Bali-cad iyo eedeyn ay Dowladda Somalia u jeediyeen

Filed under: Wararka |

Cali_Waran_Cadde_WAG_Somaliland_660Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamuud Waran-cadde, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay fad-qalalo ka waddo gobollada Bariga Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in deegaanka Balli-cad inay ka saareen koox uu sheegay inay ku shirayeen oo abaabulayey shirar ka dhan ah Somaliland, isagoo ugu baaqay Cali Khaliif Galaydh inay tabashadooda ku muujin nabadgalyo-darro.

“Waxaynu ku guulaysanay hadaynu nahay Somaliland inaan dalkeena ka abuurno midnimo is ogolaansho iyo dawladnimo waxaynu muddo dheer ku dedaalaynay in reer Somaliland waxay kala tabanayaan in si nabad-galyo & wadahadala lagu dhameeyo , waxaase muuqata in dawlada uu madaxda ka yahay  Xasan Sheekh ee xamar ka dhisan ee awooda yar markii dalka intii ay xukumayeen ay dhibaato dil, xool fumo iyo dhiig ka joogsan waayey inay soo raraan nabadgalyo darada wadankaa ka jirta oo ay waxyeeleeyaan nabada Somaliland iyo Shacabkeedu ay ku naaloonayaan . Xasan Sheekh Waxaa uu soo Diray Kooxo Fadqalalo ka rida Somaliland Gudaheeda khaas ahaan gobolada Barriga isaga oo doonaya inuu waxyeeleeyo nabada Somaliland”ayuu yidhi Cali Waran-Cadde.

Waxaanu intaas ku daray. “Qarankani wuxuu u heelan yahay inuu ilaaliyo Qaranimada iyo Nabadgalyada bulshada Somaliland. Kadib Markii uu weerar Soo Qaaday ninka u madaxda ah ee dowladda Xasan Sheekh ay u soo diray kooxo Qas ka sameeya Buuhoodle iyo Meelo Kale oo dalka ah oo xuduuda Somaliland gudaheeda ah”.

Cali Waran-Cadde oo ka hadlay ciidamadda oo maanta qabsaday magaaladda Balli Cad oo u ku shirayey Siyaasiyiin uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh, waxaanu yiri. “Ciidamada Qaranka Somaliland Saaka Waxa ay Ku Ruqaansadeen Meesha La Yidhaahdo Balli Cad oo uu ka abaabulayey Shirar ku lid ah qaranimada Somaliland iyo wada jirka Somaliland sidaa awgeed waxaan u sheegayna shacabka ama shucuubta Goboladaa ku Dhaqan ee Reer Somaliland in ciidamada Qaranku Yihiin Ciidamadoodii waxyaalaha ay dhaqdhaqaaqa u sameeyeena ay tahay inay nabadgalyadooda ilaaliyaan Shacabka halkaa ku nool oo dad fidmo wadaa aanaysoo galin. Waxaana ugu baaqayaa shacabka ama bulshada goboladaa ku dhaqan inay la shaqeeyaan ciidamadooda oo wax allaala wixii nabadgalyo daro samaynaya aanay ka aamusin inay ilaashadaa nabadooda iyo xasiloonidooda. Wax Allaale iyo wax ka dhacay dhaqaaqaa ay ciidamadu kormeerka Samaynayeena Ma Jirto waana Alle Mahadii waxaan u mahad-naqayaa shacabka reel Somaliland ee gobolladaas ku nool ee ciidamada u arka inay yihiin ciidamadoodii oo sugaya nabadgalyadooda cadawga Somalia ka iminaaya ka ilaalinaya sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen ee ay ula shaqaynayaan.”

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu ka hadlay Cali Khaliif Galaydh iyo Raga La Socda oo uu sheegay inay yihiin rag u dhashay Somaliland, isla markaana muujiyey cabasho kuwaasi oo ugu baaqay inay ka wada hadli doonaan cadhada ay muujiyeen waxaana hadaladiisii kamid ahaa:

“Ta labaad waxa weeye Soomaaliya waxaanu ka difaacaynaa Qaranka Somaliland, laakiin waxaan jeclahay dadka inaan xusuusiyo in Cali Khaliif Galaydh iyo Ragga la socda ee u dhashay Somaliland waxa weeyaan muwaadiniin reer Somaliland ah oo tabasho Muujiyey, iyaga waxaanu u aragnaa inay yihiin dad dalkan xaq ku leh ka mid ah diyaarna waxaanu u nahay wax aliyaala wixii ay tabanayaan inaanu si walaalnimo ah Somalilandnimo ah Soo dhaweyna aanu uga wada hadalo fadhina ugu wada hadalo miiska korkiisa ku wada hadalo wixii ay tabanayaan ka wada hadalo , wixii ay tabanayaana wax laga qabto markaa iyaga waanu soo dhaweynaynaa inay dadkooda iyo dalkooda soo raacaan waxay tabanayaana ay sheegtaan.”

Isagoo mar kale yiri. “Dhanka kale, waxaanu sutida u qaban doonaa xukuumad ku sheegga Somalia haddii ay soo fara-galiso xudduudaha Somaliland in aanu ka dhigi doono waxaan hore u dhicin waxaanan  bulshadda caalamka u sheegaynaa inay wax ka qabtaan fadqal-lalada Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ay Somaliland oo nabad ah oo runtii caalamku marqaati ka yahay midnimada ummada Somaliland ka wadaan. Waddankii Soomaaliya la oran jiray meesha kaliya ee imika nabadda ka ahi waa Putland iyo Somaliland waanu ogeyn Puntland dhawaan waxa la galiyay gulufbaa laga shiday maantana waxaa la doonaya Somaliland in ninkaa maamulkaa taagta daran ee Somalia oo dab ka shido taasina mid aanu u dulqaadan karno ma ahan mid u suurogalaysana ma ahan; Waxaanan u sheegaynaa Caalamka haddii fidmadaa la joojin waayo waxaa ka imaan doonta dhibaato aan geeska la mahadin haddii la fara-galiyo nabadda iyo xasilloonida Somaliland.”

 

Posted by on January 14, 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

One Response to Somaliland oo ka hadashay ciidamadii galay Bali-cad iyo eedeyn ay Dowladda Somalia u jeediyeen

  1. Hadiii buuhootle lagasoo weerarayo dhulka dhulbahante dhexdiisa maxeeysuubinkartaaa waxaa ladhahay niin dagaal kusoo orday oohibnaa xigaysa hadiii dhulkiii dhulbahante lasoo iibsaday maxeey rabaan kuwa horboodayo Waa in meel lasaaraa daadkan dagaaldoonka ah uganasoohaajiray deegaanadeey dagijireen

    Nuradin Kamal
    January 15, 2016 at 09:03

Leave a Reply