Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somaliland oo ka hadashay wadahadalada Dowladda soomaaliya iyo maamulkooda u furmaya sheegtayna in…

Wasiirka Arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan todobaadka fooda inagu soo haya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee mamulka Somaliland oo arrintaasi shalay ka hadlayey ayaa waxa uu yiri “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxay Somaliland ka baxayaan maamulnta Axadda ee ay bishani tahay 5-ta . Markaa waxba kama jiraan wararkii lagu faafiyey warbaahinta Somaliland ee sheegayey inay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland oo intaasi ku daray “Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland waxa uu sheegay in dalka Ingiriiska isaga iyo Wasiirka Ganacsigu ay kula kulmeen mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka soo saaraa ayna kala hadleen sidii ay u isticmaali lahayd dekedda Berbera, waxaanu yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Waxaanu tagnay aniga iyo Wasiirka Ganacsigu Ingiriiska, waxaanu la shiraynay dad kala gedisan Shirkadda la yidhaahdo DITOL, waa mid ka mid shirkadaha ugu waaweyn caalamka, oo dakhligooduna uu ahaa sanadkii ina dhaafay 400 oo malyuun oo tan oo saliid ah ayay caalamka u kala gudbiyaan. Waxay ahmiyad weyn siinayaan inay dalkeena wax ka qabtaan oo ay saliida qaydhiin Itoobiya iyo wadamada dariska tagaysa Berbera soo mariyaan. Waxaanan ku kalsoon nahay inuu heshiiskaasi dhaqso u hirgelodoono”.

You must be logged in to post a comment Login