Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somaliland Oo Sheegtay intii Aay Hoos Tagi laheeyd Muqdisho Ineey Hoos Tagaan addis abaab..

Maamul-ka Somaliland ayaa todobaadkan wadahadalo kula yeelan doona dalka Turkiga dowlada Soomaaliya, wadahadalkaasna waxuu noqon doonaa kii sedexaad.
Feysal Cali Waraabe oo katirsan xubnaha Somaliland uga qeyb galaya kulanka ayaa sheegay in waxa laga wadahadlayo ay yihiin oo kaliya sidii labada dhinac wax uwada qabsan lahaayeen ee aysan ahayn midow ama in la isku darsoomo.
Riix Halkan si aad udhagaysato.
Mar la weydiiyay in Somaliland ay qorshaynayso in laga xakumo Adis Ababa ayna iska diideen Muqdisho ayaa Feysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay in arintaas ay jirto meel wanaagsana ay marayso.
Arimaha kale ee uu kahadlay waxaa kamid ah rajada kulanka ka dhacaya dalka Turkiga, sidoo kale waxaa uu kahadlay muran waayadan ka taagnaa qunsul ay dowlada turkiga ka furan laheyd Hargaysa oo loo diiday.

http://warqaad.com/feysal-cali-warabe-oo-hadlay/

You must be logged in to post a comment Login