Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somaliland oo u jawaabtay Puntland kuna eedeesay in ay martigaliso Al-Shabaab

buy Tadacip online cheap, dapoxetine online.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Somaliland aaney xiriir la laheen kooxaha aragixisada ee ka dagaallama Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in rag Shabaab ka tirsan oo Garoowe dad ku soo dilay intii ay qabteen in ay dib Garoowe ugu soo celiyeen.

Wuxuu beeniyay hadal ka soo yeeray Puntland oo ah in xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab kana soo duulay Muqdisho kuna soo degay garoonka Hargeysa in ay gacanta ku dhigeen.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay warqad dhawaan ka soo baxday beesha caalamka taasoo looga hadlay xiisada ka aloosan Taleex kaddib markii ciidamada maamulka Somaliland ay qabsadeen halkaas in arrintaas ka xun yihiin.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa xusay in Puntland ay xiriir la lee dahay Al-Shabaab oo buuraha Galgala ay ku marti galisay xubno sar sare oo Shabaab ah.

Hadalka wasiirka arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen sagaal qof oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

 

SomaliMedia

Xafiiska Wararka Hargeysa

You must be logged in to post a comment Login