Soomaali loogu gowracay dalka Itoobiya

Filed under: Wararka |

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Itoobiya, Shan ruux oo Somali ah ayaa lagu gowracay deegaankaasi.

Shanta ruux ee Somalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysan oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud.

Nabadoonkaan, ayaa sheegay wali inuu socdo dagaalka Somalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan.

“Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro.” ayuu yiri Nabadoonka.

Illaa hadda ma jirto cid si toos ah u kala dhex gashay dilalka iyo beegsiga ay isku hayaan Qowmiyadaha Oromada iyo Somalida dalka Itoobiya degta, waxayna yihiin kuwa wali isku hub aruursanaya.

Odayaasha Somalida ah ee deeganadaasi degan ayaa ka digaya xaalada inay intaan ka sii Qatar badnaado, haddii beegsiga iyo dilalka ay sii socdaan.

Posted by on July 10, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply