Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaalida ku xirxiran garoonka Nairobi oo laga deyriyay xaaladooda.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa la xir xiray, tan iyo markii ay qaraxyada ka dhaceen Xaafada Soomaalida ku badantahay ee Eastleigh.
Dadka Kenyanka ah ayaa Twitter-ka ka bilaabay Olole ka dhan ah Booliska, kuwaasooxir xiray kumanaan Soomaali maato ah oo aan waxbo galabsan.
Dadka ugu badan ayaa laga qab qabtay xaafada Eastleigh, waana meel mararka qaar lagu magacaabo (Muqdisho Yareey).
Bogaga 1aad ee Jaraa’idyada KenyaIsniintii lasoo dhaafay
Bogaga 1aad ee Jaraa’idyada KenyaIsniintii lasoo dhaafay
Madaxa guud ee Booliska Kenya David Kimaiyo, ayaa isna soo tweeted gareeyay sidan.
“Waxaan doonayaa inaan idiin cadeeyo in hadafkeena uu yahay kuwa Argagixisada ah iyo danbiilayaasha, hadafkeena maahan meel gooniya iyo dadka Muslimiinta”
Qaar kamid ah wariyaasha oo ay ku jirto Haru Mutasa, oo u shaqeysa TV-ga Al jazeera, ayaa waxay sheegtay in loo diiday ineey gudaha u galaan Garoonka Kasarani halkaasoo haatan Booliska Kenya ay ku hayaan Kumanaan Soomaali ah.
Bkjp3XFIMAACC_T
“In badan oo kamid ah dadka lasoo xir xiray, waxaa laga soo qabtay Eastleigh, waxayna hada ku jiraan kasarani stadium, saxaafadana looma ogola” sidaa waxaa yiri harumutasa/aljazeera .
BkeSFWRIUAAIvJk
“Kumanaanka Soomaalida ee ku xiran Kasarani, waxay u baahanyihiin Cunto, Biyo iyo Daawooyin”sidaa waxaa tiri Hay’ada UNHCR.

You must be logged in to post a comment Login