Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaaliya oo sheegtay sababta ay qaadka u joojisay

Silagra for sale, order zithromax.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku sheegtay sababta ay u joojisay qaadkii Kenya ka imaan jirey inay tahay “Gudoomiyaha gobolka Meru Peter Munya oo u isticmaalay ka ganacsiga qaadka kala goynta Soomaaliya.”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xassan ayaa sheegay in booqashadii Peter Munya ku tugey bishii todobaad Hargeysa ay keentay joojinta qaadka.

“Wuxu isku xiray midnimadda dhuleed ee Soomaaliya iyo ka ganacsiga qaadka, isagoona fara geliyey arimaha gudaha dalkayaga,” ayuu yiri danjire Jamaal.

“Waxan hakinay qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya inta arintan laga xalinayo,” ayuu sii raaciyey isagoo waraysi siinayey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi.

Kenya ayaa malaayiin doolar ka hesha bil walba qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya | © AFP PHOTO/SIMON MAINA.
Kenya ayaa malaayiin doolar ka hesha bil walba qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya | © AFP PHOTO/SIMON MAINA.

Bishii todobaad ayuu Munya u safray Hargeysa, xarunta maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, isagoo kala hadlay sidii Hargeysa loogu iib geeyn lahaa qaadka gobolkiisa ka baxa bedelkeedana Kenya ay siin doonto aqoonsi.

Kenya wexey u dirtaa Soomaaliya 540 diyaaradood oo sida qaad bil walba, taas oo celcelis ahaan dhan 18 diyaaradood maalin kasta.

You must be logged in to post a comment Login