Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sucuudiga oo ka jawaabay Go’aanka IRAAN ay ka qaadatay Hajka

paroxetine online, dapoxetine without prescription.

Sucuudiga ayaa jawaab ka bixiyay hadalka ka soo yeeray dawladda Iran oo sheegtay inaysan u diri doonin muwaadiniinteeda sanadkan Sacuudiga si ay u xajiyaan.

Tehran ayaa kol hore sheegtay in masuuliyiinta Sucuudiga ay xujjooyin badan ku xireen xujeyda Iran.

Balse Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa sheegay in xujeyda Iran ay dalbanayaan in loo suurtagliyo in ay mudaaharadyo qabsan karaan. Arintaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Xajkii sanadkii hore, ayey boqolaal xujey ah oo badi ay u dhaseen Iran ay ku dhinteen wiish ku soo dhacay oo Tehran ku eedeysay madaxda Sacuudiga.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Iran iyo Sacuudiga, ayaa sii kordheysay iyadoo labada awoodood ee gobolka ay kala taageeraan kooxo kala duwan ee ku dagaalamaya Suuriya iyo Yemen.

sacuudiga

You must be logged in to post a comment Login