Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Suuqa Bakaaraha iyo Laamiyo Muhiim ah oo kuyaala Muqdisho oo la galinayo Leerarka Cad ceeda ku shaqeeya

http://www.youtube.com/watch?v=DLMEy_KO-cA&list=UUuVeOJlagEyFQ4L-3yOiHvQ&index=13Dowlada Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay Qorsho cusub oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo bilicda iyo quruxda Magaalada Muqdisho lana soo ifiyo magaalada oo mudo badan Mugdi aheed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Warbaahinta kula hadlay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa sheegay in ee wadaan Qorsho maalmaha soo aadan ah ee doonayaan in Nalalka ku shaqeeya Cad ceeda ku galiyaan Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha si suuqaasi loogu ganacsado habeen iyo Maalin.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya la galin doono Jidka Wadnaha uu sheegay in uu yahay Jidka ugu Muhiimsan Magaalada Muqdisho uuna ku yaalo Wadnaha Magaalada sidaa darted ee doonayaan in lasoo celiyo Bilicdii iyo Qiimihii uu lahaa loona sameeyo Nalalka Cad ceeda ku shaqeeya.

Gudoomiye Tarsan ayaana ku amray Gudoomiyaasha Degmooyinka uu maro Laamiga Wadnaha in Qolo walbo ee laamiga ka dhistaa dhinaca kaga aadan si loo habeeyo Wadooyinka dhibaatooyina eesan usoo gaarin Nalalka la doonayo in lagu Xiro Sanca ilaa Tarabuunka.

Godoomiyaha Gobolka Banaadir ayaana Wasaarada Howlaha guud iyo Dib u dhiska ugu baaqay in ee marka hore diirada saartaa Dib u dhiska Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo aad u bur bursan inta ee ku mashquuli laheed Waaarada dhismooyin gaar ah iyo Dabaqyo in loo dhiso, Dowladaha caalamkana ugu baaqay in Wasaarada Qorshooyinkeeda ugu horeeyo ee dooneyso in ee ka dhigto dib u dhiska laamiyada Muqdisho..

Muqdisho hada waxaa Leerarka ku shaqeeya Cad ceeda ee ku xiran yihiin kaliya Laamiga xiligan Magaalada ugu Muhiimsan ee Maka Al-Mukarama halkaa oo ah halboolaha ee Dowlada ka isticmaasho Magaalada Muqdisho iyadoona Wadooyinka kale ee Muhiimka ah sida Wadnaha iyo Jidka Sodonka ee yihiin kuwa aad u bur bursan wax nal ahna aan laheyn.

You must be logged in to post a comment Login