Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Switzerland oo ka hadashay Somaligii dalkeeda ka tagay ee isku qarxiyey SYL

Ruuxii dhawaan isku qarxiyay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inuu ku noolaa dalka Switzerland, kadib war kasoo baxay hayaha amaanka ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay hayada sirdoonka Switzerland ayaa sheegay in ruuxaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya uu tagay dalkaasi sanadkii 2008, halkaasi oo uu ku noolaa muddo badan.

Afhayeenka ayaa sheegay in muddo badan ay baaritaano ku hayeen ruuxaasi isku qarxiyay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku noolaa dalkaasi waxaana ay sheegeen inay arintaasi xaqiijinayaan.

Kamagra Jelly buy online, acquire Zoloft.

Carolina Bohren oo ah afhayeenka u hadashay Switzerland ayaa sheegtay in ruuxaasi isku qarxiyay magaalada Muqdisho uu helay deganaansho dalkaasi ah laakiin uusan aheyn ruux helay dhalashada dalkaasi Switzerland.

Weerarka uu ruuxaasi ku dhintay ayaa dhacay maalin khamiis ah 22 kii bishaan, xili saraakiil Turki ah ay ku sugnaayeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana sheegtay Alshabaab.

Afhayeenka ayaanan faahfaahin rasmi ah ka bixinin ruuxaasi iyo qaabka uu kaga soo tagay dalkaasi Switzerland iyo magaca rasmiga ah ee loo yaqaanay shaqsiga isku qarxiyay magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login