Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TAAGEERO MURASHAXNIMADA MUUSE BIIXI GUDOOMIYAHA KULMIYE (BEESHA SANBUUR]‏

Nin ku yidhi sinaan mayno adna diid sarayntiisa, sidka waad u siman tiine ma sagaashan baa tiisu. sildenafil reviews, purchase zithromax.

Waa zeman aakhir inta xuni saraysoo kii wanaag sheegana loogu yeedho
qof aan waaqica la socon oo iska hadlay.
Qoladan kulmiye maalintii doorashada lagu jiray labadii doorasho ee
hore ee la soo marayba waxay ahayd xaaladoodu ka kacaay iyo na
taaggeeraay laakiin markii ay talada dalka qabteen waxay noqdeen (lagu
mood wax noqonse wayday).
Koox ka mida ayaa la wareegtay taladii dalka oo inyarna aan khajilaad
lahayn dadkiina waxay ka dhigeen wax wax ay ku gefaan wax ay xidhaan
iyo wax xaqoodii ay ka dulmaan.
Waxxaanu ku haynaa warar xaqiiqo ah in saraakiil ciidan iyo
agaasimayaal iyo wasiiro uu magacaabay odayga talada dalka loo
dhiibay rag ka mida waziiradiiisu masaxeen oo yidhaaheen madaxwayne
qabiilkan ha siin jagooyinkaas uma qalmaane.
Colka bari ku talax tegay , hubka mudug haraatiyey alaylehe hubsiimiyo
haki buu u baahnaa.
Intaasi waa iga afeef
Hadaan ka gudbo halkan waxaan ugu soo gudbinaynaa taageero mujaahidka
wayn ee muuse bixi oo isaga laftiisu ka mid ahaa inta ku hoos dulman
dawlada Ahmed siilaanyo,
Mujaahid waxaanu kulla garab taaganahay taageero hiil iyo hooba leh oo
Illaahyna kaaga baryayno inuu kugu guuleeyo Xilkaas culus ee aad isku
sharaxday.
Intaasi waa duco iyo taageero Muuse waxaad tahay inta aan kaa naqaano
nin hal adag oo hawl kar ah waxaanu kugula talinaynaa marka umada
xilka aad u qabto inaadan noqon sidii Ahmed oo kale oo u muuqaal eg
adeerkii Abaal-laawe waa ninkii adeerkii oo abaalka u galay oo qurbena
ugu tegay yidhi : odaygu waa waalan yahay manta waxaa sidaas ka dhigan
Ahmed oo intii Abaal u gashayba leh wuu waalan yahay , mayd maxaa u
danbeeyey iyo kaas la sii sido beelihii la garabka taagnaa taageerida
iyo mujaahidiintii muxuu ugu abaal gudday Alayleha waa abaal laawe.
Saaxiibkaa Ahmed in badan baad la soo shaqaysay oo wuu wejiyo badan
yahay waxaan ku leeyahay wax ka stana waa la is qaadsiiyaa oo
jaarkaaga hadii uu dhib badan yahay marka danbe adigaa ka badiyaa la
yidhiye marka lagu doorto sifooyinka saaxiibkaagii hore oo kale ka
fogow oo haku dhaqmin.
Mujaahid beeshu waxay kula garab taagan tahay taageero inta gudaha
joogta iyo inta debeda joogtaba.
Afhayeenka beesha Ibraahim sheikh isxaaq (Sanbuur)
Nuur Warsame
AFEEF: CAYNABA NEWS MARNABA KAMA MASUUL AHA ARAGTIDA SHACABKA, QORAAGA AYAA XUMAANTEEDA IYO WANAAGEEDABA LEH.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT

You must be logged in to post a comment Login